Calanka Puntland oo Buuhoodle lagu gubey

Image

August 1, 2015 (GO)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn waxaa maanta ka dhacay shaqaaqo ka dhalatay xuska sanad guurada 17-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay  Puntland.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa kasoo horjeestay in magaalada Buuhoodle laga dhigo xaflad ku saabsan sanad guurada Puntland.

Arrintaan ayaa markii dambe isku dabashay gacan ka hadal dhex maray dad taageersanaa xuska sanad guurada iyo kuwo kaso horjeeday oo ay dabada riixayeen siyaasiyiin deegaanka ah.

Magaalada bartamaheeda ayaa lagu gubay calanka Puntland, kadib markii dhalinyaro caraysan xoog ku qaateen waxyaabo loogu talo xuska sanad guurada oo uu calanku ugu weynaa.

Dadweynaha Buuhoodle qaarkood ayaa si weyn u gasoo horjeestay falka lagu gubay calanka Puntland, iyagoo ku tilmaamay arrin aan munaasib ahayn oo dano gaar ah laga lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM