Calanka Puntland oo Buuhoodle lagu gubey

Image

August 1, 2015 (GO)- Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn waxaa maanta ka dhacay shaqaaqo ka dhalatay xuska sanad guurada 17-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay  Puntland.

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa kasoo horjeestay in magaalada Buuhoodle laga dhigo xaflad ku saabsan sanad guurada Puntland.

Arrintaan ayaa markii dambe isku dabashay gacan ka hadal dhex maray dad taageersanaa xuska sanad guurada iyo kuwo kaso horjeeday oo ay dabada riixayeen siyaasiyiin deegaanka ah.

Magaalada bartamaheeda ayaa lagu gubay calanka Puntland, kadib markii dhalinyaro caraysan xoog ku qaateen waxyaabo loogu talo xuska sanad guurada oo uu calanku ugu weynaa.

Dadweynaha Buuhoodle qaarkood ayaa si weyn u gasoo horjeestay falka lagu gubay calanka Puntland, iyagoo ku tilmaamay arrin aan munaasib ahayn oo dano gaar ah laga lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM