Cali Balcad: Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland xiriir toos ah oo joogto ah ayaa ka dhaxeeya

Image

MUQDISHO — Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyso Somaliland, isla markaana uu jiro xiriir toos ah oo joogto ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Isagoo Sabtidii la hadlayey Doha News, Wasiiru-dawlahu wuxuu xaqiijiyay in Somaliland weli ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo xal waara oo nabadeed oo wax looga qabanayo arrimaha u dhexeeya labada dhinac.

Cali Balcad ayaa tilmaamay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay wadahadal iyo horumarinta “geeddi-socod siyaasadeed oo mideeya aragtida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.” Wuxuu ku sifeeyay xiriirka hadda ka dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa mid toos ah, is-faham leh oo ku dhisan iskaashi.

Wasiiru-dawlahu wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in horumar laga gaari doono dadaalladan, isaga oo markale adkeeyay diyaar Garowga Soomaaliya ee dhanka wadahadal kasta oo horseedi kara nabad iyo midnimo qaran.

“Waxaan rajeynaynaa in aan gaarno heshiis, isla markaana xal siyaasadeed oo dhameystiran dhowaan la helo,” ayuu yiri.

Cali Balcad ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isagoo sheegay in muhiimadda gobolka ay sii korodhay tan iyo dhismaha Kanaalka Suways oo noqday halbowlaha ugu weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka dhexe ee Soomaaliya ku leedahay istiraatiijiyadda iyo ganacsiga badda, isaga oo ka digay in xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka ay weli saameyn ku leeyihiin xasilloonida iyo isu-socodka ganacsiga caalamka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku taallo “meel istiraatiiji ah oo ay isku gooyaan danaha iyo isbeddellada caalamiga ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM