Cali Balcad: Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland xiriir toos ah oo joogto ah ayaa ka dhaxeeya

Image

MUQDISHO — Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyso Somaliland, isla markaana uu jiro xiriir toos ah oo joogto ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Isagoo Sabtidii la hadlayey Doha News, Wasiiru-dawlahu wuxuu xaqiijiyay in Somaliland weli ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo xal waara oo nabadeed oo wax looga qabanayo arrimaha u dhexeeya labada dhinac.

Cali Balcad ayaa tilmaamay in dowladda federaalku ay ka go’an tahay wadahadal iyo horumarinta “geeddi-socod siyaasadeed oo mideeya aragtida shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.” Wuxuu ku sifeeyay xiriirka hadda ka dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa mid toos ah, is-faham leh oo ku dhisan iskaashi.

Wasiiru-dawlahu wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in horumar laga gaari doono dadaalladan, isaga oo markale adkeeyay diyaar Garowga Soomaaliya ee dhanka wadahadal kasta oo horseedi kara nabad iyo midnimo qaran.

“Waxaan rajeynaynaa in aan gaarno heshiis, isla markaana xal siyaasadeed oo dhameystiran dhowaan la helo,” ayuu yiri.

Cali Balcad ayaa sidoo kale iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, gaar ahaan gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isagoo sheegay in muhiimadda gobolka ay sii korodhay tan iyo dhismaha Kanaalka Suways oo noqday halbowlaha ugu weyn ee ganacsiga caalamiga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka dhexe ee Soomaaliya ku leedahay istiraatiijiyadda iyo ganacsiga badda, isaga oo ka digay in xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka ay weli saameyn ku leeyihiin xasilloonida iyo isu-socodka ganacsiga caalamka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ku taallo “meel istiraatiiji ah oo ay isku gooyaan danaha iyo isbeddellada caalamiga ah.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM