Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogo hoose ayaa sheegaya in Xamse Cabdi Barre xilka ka qaadi doono Cali Balcad, oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda kadib isku-shaandheyntii uu ku baxay Axmed Maclin Fiqi, oo hadda Wasaaradda difaaca la geeyay.

Xildhibaan Cali Balcad oo saameyn wayn ku lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, islamarkaana hormuud ka noqday wadahadalladii dowladda Soomaaliya la gashay Itoobiya ee lagu xaliyay khilaafkii Badda ayaa loo magacaabi doonaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, isagoo lagu bedelayo Abshir Bukhaari.

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara ka dhacay December 2024, oo Erdogan dhex-dhexaadiyay, kaasoo labada dal ku xaliyeen xiisadda badda.

Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu magacaabi doono wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowliyaal, si uu isagu dheela-tiro nidaamka awood-qeybsiga beelaha, maadaama Isku-shaandheyn sameeyay, oo wasaraado saameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM