Guudlaawe oo cayriyay gudoomiyihii SIET ee HirShabeelle

Image
HirShabelle ayaa lagu amaanay qaabkii ay u maaraysay codaynta golaha shacabka.

JOWHAR, HirShabelle – Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe, Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii Gudoomiyenimo iyo xubinimada Gudiga Doorashada Hirshabeelle ka qaaday Axmed Xasan Diini, isagoo xubinimada Gudiga u Magacaacabay Maxamed Xuseen Maxamed (Waadi), ka dib markii uu qaaday talaabooyin kursiga golaha shacabka lagu dhaafsiinayo Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo Villa Soomaaliya dagaal kula jirto.

Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii guddoomiyihii guddigaas uu xalay soo saaray warqad ay ku qoryaanyeen odayaal la sheegay in ay soo xulayaan ergada dooranaysa saddax kursi oo kamid kuraasta taalla Baladweyn.

Talaabadan kahor, Page-ka Facebook ee Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa laga saaray warqad lagu shaacinayay guddiga xulista saddex kursi uu ku jiro #HOP135 oo aan aheyn odayaashii saxda ahaa, kursigan waa midla ay ku fadhiso xildhibaan Aamina oo ay Viladu dadaal galineyso sidii tartanka looga reebi lahaa.

Guddoomiyaha Guddiga ee xubinimada guddiga laga saaray Axmed Xasan Diini ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay shaacinta liiskaas been abuurla ah, isagoo heshiis la galay Musharax gaar ah oo diidan inuu tartan furan galo.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa ku tilmaamtay liiskaas la shaaciyay mid been abuur ah oo dhowaan la shaacinayo liiska saxda ah, lalana xisaabtami doono cidii ka dambeysay been abuurkaas.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhowaan ballan qaaday in kuraasta hartay ee Beledweyne taalla uu tartan furan ka dhici doono, iyadoo maalmo ka hor kuraas dhowr ah lagu tartamay.

Hirshabelle oo lagu amaanay qaabkii ay u maaraysay codaynta golaha shacabka ayaa lagu eedeeyay in ay kuraasta golaha shacabka qaarkood u boobtay xubno ka tirsan Villa Somalia oo uu ku jiro Fahad Yaasiin Daahir Agaasimihii hore ee NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM