Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Image

HIIRAAN – Hoggaamiyaha Macwiisleyda gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, ayaa sheegay in iyaga ay dileen hogaamiyaasha sare iyo dagaalyahanada, isaga oo beeniyay sheegashada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan in ciidamada qaranka ay fuliyeen hawlgalka.

Cali Jayte ayaa ku tilmaamay hadalka dowladda inuu yahay mid “ceeb ah,”. Wuxuu caddeeyay in hadalkaas uusan carqaladeyn doonin dadaallada joogtada ah ee Macwiileyda ku doonayaan inay nabad iyo xasillooni ku soo celiyaan gobolka Hiiraan.

“Ciidamada Macawiisleyda ayaa iyagu qaaday dagaalka culus ee looga saaray Al-Shabaab gobolka, hawlgallada iyo guulahaasna waa kuwo la taaban karo,” ayuu yiri Cali Jayte oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka deegaanka Galhareeri ee gobolka Hiiraan, isagoo xusay in Ciidamo ajnabi ah iyo kuwa dowladda ay qaadeen weerarka.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa xusay in dadaallada ay wadaan ay yihiin kuwo sii socda, islamarkaana aysan marnaba ogolaan doonin in kooxaha argagixisada ay dib ugu soo laabtaan deegaanada ay ka baxeen.

Dowladda federaalka ayaa dhowaan sheegtay in ciidamada qaranka ay fuliyeen hawlgallo waaweyn oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Hiiraan, iyaga oo ku tilmaamay guulo la taaban karo oo ay ka gaareen.

Hase yeeshee Cali Jayte ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka maqantahay fahamka iyo ka qayb qaadashada dhabta ah ee dagaalka ka socda gobolka, isla markaana ay tahay in la ixtiraamo doorka iyo dadaalka ay ciidamada deegaanka u leeyihiin amniga gobolka.

Ciidamada deegaanka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay si xoogan uga howlgabay ka hortagga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo ku guuleystay inay dib u qabsadaan deegaano badan oo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM