Caqabad soo wajahdey in guddiga doorashooyinka hortago BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib-u-dhac ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ku yimid waqtigii la filayey in Guddiga doorashooyinka heer Qaranka uu hortaggo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Bishan May 27-deeda ayaa qorshuhu ahaa in gudoomiyaha guddiga Xaliima Yarey ay xeer-dejinta siiso warbixin la xiriirta doorashooyinka 2020-21, balse lama ogga sababta keentay baaqashada soo ifbaxday.

Warbixintooda ayaa ku quseysa nooca doorashooyinka, xilliga ay dhaceyso iyo qaabka Guddiga ugu diyaar garoobay coddeynta muhiimka ah.

Sidoo kale, guddiga dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ay soo kala magacaabeen ayaa waxaa maalintaas jadwalka ku qoran in ay warbixin siiyaan labada aqal.

Guddiga joogtada ee labada aqal ee baarlamaanka ayaa maanta oo Isniin ah kulan uu ku yeeshay Villa Hargeysa ku shaaciyay in kal-fadhiga 7aad uu si rasmi ah u furmi doono 6-da June 2020.

Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka 10aad oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo waxaa horyaala arrimo masiiri ah oo ay ugu horeyso doorashooyinka, waxaana isha ku haya shacabka iyo caalamka.

Qaabka ay sharci-dejiyeyaasha u maareeyaan mar-xaladda kala guurka ah ayaa kamid ah waxyaabaha natiijadooda la sugayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre isku qabteen khudbada Xaliimo Yareey, gaar ahaan in ay ku adkeysato qabashada doorasho qof iyo cod.

Doorashada qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda dhamaadka sanadkan ayaa waxaa la geliyey calaamad su'aal maadaama uusan jirin diyaar-garow buuran iyo amni dari ay sabab u tahay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM