Caqabada hortagaan in Al-Shabaab laga sifeeyo duleedka Muqdisho

Image

WASHINGTON, US – Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho wali uma diyaarsana in ay kaligood wajahaan Al-Shabaabka ku sugan koonfurta dalka, sidda ay shaacisay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartay in askarta ay mar walba ugu nugul yihiin duleedka caasimadda maleeyshiyaadkaas.

Qiimeyntaan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo Mareykanka iyo Milatariga Midowga Afrika ay xakameeyeen howlgaladooda ciidan.

Dhaqdhaqaaqyada Mareykanka ayaa u badan duqeymo dhanka cirka ah oo uu la beegsado fariisimaha ay kooxdu leedahay.

Sidda ku xusan xog-uruurin la sameeyay, ciidanka Soomaaliya marka laga hadlo awoodaha caalamka waxay ku jiraan kaalinta 136aad.

Sifeynta

Qormadda ayaa lagu muujiyey in arrintaan ay caqabad ku tahay yoolka Howlgalka Mareykanka ee Afrika kaasoo ah in xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida la sifeeyo sanadka soo aadan ee 2021-ka.

"Milatariga Mareykanka ee Afrika wuxuu wariyey in caqabadda ku geedaaman in Al-Shabaab laga sifeeyo duleedka Muqdisho ay tahay iyaddoo aysan jirin ciidamo boolis ah iyo xasiloon, oo ay kamid tahay maamul degaan iyo magaalooyinka Shabeellaha Hoose oo isku dhow".

Weerarada cirka ee Mareykanka ayaa inta badan ka dhaca gobolada, wallow xiliyadda qaar ay ka fuliyaan banaanka magaala madaxda waddanka.

Faalada ayaa xustay in hakadka ku yimid howlgalka Howlgalka Badbaado ee ka socday gobolkaas ay fursad u siineyso Al-Shabaab in ay dib isku soo abaabulaan soona qorsheeyaan weeraro culus.

Dowlada Farmaajo oo mudada xileedka uu dhamaad ka yahay ayaa lagu dhaliilay in ay ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab isla markaana ay kala dirtay ciidamadii "kartida u lahaa in ay ciribtiraan"

Hadalka kasoo yeeray Washington ayaa imaanaya iyadoo shalay uu Mareykanka dib u bilaabay kaalmada sahayda iyo saadka ee milatariga Soomaaliya oo 2017-kii uu u joojiyey eedeymo musuqmaasuq iyo boob.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM