Caqabadaha "aan la aqbali karin" ee uu leeyahay sharciga doorashooyinka

Image

GAROWE, Puntland – War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa soo bandhigay caqabado "aan la aqbali karin" oo uu leeyahay sharciga doorashooyinka Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedkaas oo ay diideen qaar kamid ah dowlad goboleedyada waxaa "dhamaadka muda xileedkii dowladda" qalinka ku duugay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda ku xusan bayaanka Shirweynaha, caqabadaha waxaa kamid ah inuu isku dhafayo nidaamka awood-qeybsiga beelaha 4.5 iyo hanaanka xisbiyadda badan "taasoo ka hor-imaaneysa dastuurka".

"Sharciga wuxuu dastuuri ka dhigayaa nidaamka awood qeybsiga beelaha taasoo ahayd in laga gudbo oo aan marna noqon karin sharciga dalka," ayaa lagu yiri qoraalka oo uu arko GO.

War-saxaafadeedka ayay hoosta ka xariiqeen "in uusan abuureyn nidaam doorasho oo xildhibaanadu si siman ugu soo baxaan".

Waqti-ku-darsi ay sameysato dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayay si cad carabka ugu dhufteen in aan marnaba lasoo dhaweyn-doonin.

"Maadaama sharciga la saxiixay dhamaadka muda-xileedkii dowladda, dalkuna uusan dhamaan kuwada jirin gacanta dowladda, waxaa adag in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Isla mar ahaantaasna shirweynuhu wuxuu go'aansadey in aan la aqbali karin in wax muddo kordhin ah loo sameeyo hay'addaha dastuurtiga ah ee federaalka," ayaa la raaciyey.

Gogol ayuu ku baaqay in ay Puntland u qabato saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka jawaabaya arrintaan ayaa casuumay dowlada iyo maamulada.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad xasaasi ah oo u baahan waaya-aragnimo siyaasadeed oo buuran iyo wadahadalo si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo khatar geliya nidaamka dowladnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM