Caradda dadka oo ku qasabtay DF in ay isbedel ku sameysay bandowga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Carro xoogan oo shacabka Muqdisho ay ka muujiyeen saacadaha lasoo horumariyey ee bandowga habeenkii iyo dilka laba qof oo shacab ahaa ayaa laba go'aan ku sanduleeyay dowlada Soomaaliya.

Bandowga oo loosoo rogay ka hortaga Coronavirus ayaa la xusay in uu bilaaban doono hal saac oo fiidnimo inta lagu guda jiro Soonka, iyaddoo kahor uu bilaaban jiray labada fiidnimo, taas oo diidmo looga hortagay.

Laba qof ee shacabka ahaa ayaa lagu toogtay nawaaxiga gurigooda oo ku yaala degmada Boondheere. Falkaas waxaa sameeyay askari ka tirsan booliska, kaas oo haatan xiran, sidda ay baahisay warbaahinta dowlada.

Askariga iyo marxuumiinta ayaa ku murmay in ay ka xaroodaan banaanka kahor inta uusan rasaasta furin askariga, sidda wararku tibaaxayan.

Dadweyne ka careysan dilka iyo saacadaha lasoo horumariyey ee bandowga ayaa qabsaday qaybo kamid ah Muqdisho, maanta oo Sabti ah. Banaanbaxayaasha waxay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah dowlada Farmaajo.

Qaarkood ayaa dab-qabad-siiyey sawirada madaxweynaha kadib markii ay kasoo dejiyeen boor uu ku deganaa, sidda laga arkay muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda, kuwaas oo ay daawadeen boqolaal ruux.

Kadib markii uu cadaadey dareenka shacabka, dowladda ayaa ku qasbanaatay in ay qaado talaabooyin si ay u qaboojiso falcelinta rayidka.

Najiib Carab, taliyaha booliska saldhiga Boondheere oo shaqaada ay ka dhacdey, ayaa xilka laga qaadey. Wararka ayaa intaas ku daraya in su'aallo laga waydiiyey waxa uu kala socday askariga dilka geystay.

Sidoo kale, dowladda ayaa ka laabatay go'aanka ay saacadaha bandowga kusoo horumarisay. Cumar Filish, duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa sheegay in uu bilaaban doono labada fiidnimo.

Muwaadiniinta caasimadda ku dhaqan ayuu cod dheer kaga codsaday in ay u hogaan-samaan talaabooyinka looga hortagayo faafitaanka Covid-19 isla markaana ay guriyahooda joogaan kadib saacadahaas.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 328 kiis oo ah fayruska safmarka ah ee Corona. Intaas waxaa wehlisa 16 qof oo dhimasho ah iyo sideed qof oo ka caafimaadey xanuunka, sidda ku cad warbixinta Waaxda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM