Carro ka dhalatay ganacsi ay DF ogolaatay in laga sameeyo Covid-19

Image

MUQDIHSO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ogolaatay in ganacsi laga sameeyo musiibadda Covid-19 kadib markii ay qandaraas siisay sheybaaro baariseed oo gaar loo leeyahay.

Sheybaarada la siiyey mashruucaan waa; Madipark Diagnostic, On Air, Trio Testing Corporate iyo Somali-Sudanese Specialized Hospital. Qaarkood waxaa la aaminsan yahay in ay mas'uuliyiin dowladeed ku lug-leeyihiin.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda dhexe ayaa bixinta qandaraaska u cuskatay "in uu ku kooban yahay dadka hubinta ka helay ujeedo safar," iyaddoo xustay dadka isaga shakiya dowladu baareyso.

Muwaadin walba oo dalbanaya baaritaan la xiriira Covid-19 isla markaana ka leh ujeedo safar ayaa bixinaya $30 doolar, waxaana arrintaas ku heshiiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo afarta sheybaar.

Go'aankan oo soo baxay Isniintii 17-ka August waxaa carro xoogan ka muujiyey muwaadiniin, iyagoo cabashadooda ku muujiyey baraha bulshadda isla markaana codsaday in meesha laga saaro mashruucaan.

Dadka naqdinaya qandaraaska ayaa doodooda ku xoojinaya dhaqaalaha iyo qalabka baariseed ay dowladdu ka heshay caalamka si loola dagaalamo safmareenka Coronavirus ee dunida aafeeyay.

"Waan cambaaraynayaa waana kasoo horjeedaa mashrucaan dadka lagu dhacaayo. Aaway malaayintii dollar loogu tala-galay Covid19? Aaway qalabkii? Maalin dhawed ayaan tagay Isbitaal Banaadir waxay igu dhaheen waa bilaash bixinta waraaqda. Maxaa hadda keenay isbitaalo gaar loo leeyahay in mashruuc abuur loo sameeyo?," ayuu muwaadin ka falceliyey.

Bishii June 23-keeda, Baanka Aduunka ayaa aqbalay in uu Soomaaliya siiyo $55 milyan si ay wax uga qabato arrimo uu kamid yahay Covid-19.

Bishii July, 25-keeda, 2020, Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ugu deeqay Soomaaliya aduun dhan $ 25 milyan si looga xakameeyo cudurka.

Iyagoo cuskanaya kaalmadaas, dadka kasoo horjeeda qandaraaska ayaa tibaaxay in ay filayeen in baaritaanka dadka dibada u safraya noqonayo bilaash. Wasaarada Caafimaadka in ay "naas-nuujineyso hay'addo gaar ah".

Wasaaradda ayaa horey u sheegtay in kaliya shahaadada caddeyneysa in qofka ka dhoofaya waddanka uusan qabin Covid-19 ay bixin karaan sheybaarada iyo isbitaalda dowladda.

Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in mashruucan ay in muddo ah gedaal ka riixeysay Wasaaradda Caafimaadka tan iyo markii uu dilaacay Covid-19, balse, ra'iisul wasaare Xasna Cali Khayre uu hortaagnaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu ku biirayaa talaabooyin si dardargelin ah u meelmarineyso xukuumadda kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka isla markaana shakiga baaxadda weyn ka dhex-abuuray dadweynaha iyo siyaasiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM