Casharka iyo halista ku geedaaman isu-soo-baxyaddii gilgilay Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa shalay oo Sabti ahayd gilgilay banaanbaxyo ka dhashay carro ay shacabka ka muujiyeen bandowga habeenkii iyo dilka laba shacab ahaa.
Askariga falkaas ka dambeeyay waa maxkamadeyn suge. Marxuumiinta ayaa kala ahaa haweenay maalmo umul ah iyo wiil dhalinyarro ah kaas oo qoyskiisu sheegeen in uu qaban-qaabinayey guurkiisa.
Dowladda federaalka ah oo cambaareysay ayaa xilka ka qaadey taliyihii degmada dhacdooyinkaas laga soo wariyey ee Boondheere.
Siyaasiyiin iyo madax hore oo si weyn uga dhiidhiyey shaqaaqooyinka soo laab-laabtey ayaa aaminsan in isu-soo-baxyaddii shalay oo lagu gubay sawirka madaxweyne Farmaajo ay direen fariimo culus.
Caharka iyo halista
Halis soo fool leh iyo cashar ayay rumeysan yihiin in ay ku geedaaman yihiin banaanbaxyadda oo sidoo kale rabashaddo watay laguna gubay taayaro.
Shacab careysan oo afduubatay gaadiid ay leeyihiin ciidamada milatariga ayaa ku oorinayey "ha dhaco Farmaajo" iyo erayo kale oo u muuqdey habaar.
Taabit Cabdi, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii hore ee Muqdisho, ayaa soo bandhigay casharka ay madaxdu ka baran karaan mudaaharaadyaddii warbaahinta caalamka sidda weyn u tabisay.
"Dhacdooyinkii shalay iyo habeen hore wax la aqbali karo ma ahan, waana in Madaxda iyo Hay’addaha amnigu wax ka bartaan, kana foggaadaan waxwalba oo dadkeena dulqaadka badan wax u dhimi kara," ayuu gudoomiyaha xisbiga Awooda Shacabka kusoo qoray Facebook.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya, ayaa ka digay halis balaaran oo ka dhalan karta banaanbaxa haddii aan xal waara laga gaarin sababta keentay carada dadka.
"Waxaan shaki lahayn haddii uu sii socdo dulmiga shacabka Muqdisho lagu hayo iyo goodiska iyo is moogaysiiska madaxweynaha, in isku soo baxa kan xigi ay ku soo biiri doonaan wiilasha furumaha jira oo ka damqanaya dulmiga hablahooda lagula kacayo iyo dad kaloo badan oo dulqaadku ka dhamaaday," ayuu hogaamiyaha xisbiga Wadajir ku yiri Facebook.
Talo soo jeedin saacadaha bandowga ah
Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya oo tacsi u diray ehelada shacabka la dilay, ayaa cod dheer kusoo jeediyey in cadaaladda la horgeeyo askarigii ka dambeeyay xadgudubkaas.
Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadda dalka, ayaa soo bandhigay talo soo jeedin ku saabsan saacadaha bandowga oo ah xudunta xiisadda.
"Marka labaad waxaan horey uga dignay in waqtiga bandowga uu culees ku yahay dadka Muqdisho oo horey ugu dhibanaa wadooyinka laga xirey, innaga oo ku talinay in ilaa 9:00 PM ilaa 10:00 PM habeennino dib loo dhigo bandowga, waxaana markale ku baaqaynaa in xilligaas laga dhigo maadaama aan aragno dhibaatada ka dhalatay waqtigii hore," ayuu yiri.
Bandowga oo markii Soonka bilowday laga soo horumariyey waqtigiisii hore oo ahaa in uu bilaaban jiray labada fiidnimo lagana dhigay hal fiidnimo ayaa lala xiriiriyey cabsida laga qabo faafitaanka Covid-19.
Banaanbaxyaddii shalay dhacay ayaa ku sanduleeyay madaxda Nabad iyo Nolol in ay dib ugu celiso waqtigii hore. Sidoo kale, waxay ku qasbeen in ay shaaciso in dadweynaha lugeyana uusan saameyn doonin.
GAROWE ONLINE