Casharka laga baran karo "fashilka booqashada" Farmaajo ee Hargeysa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Talaado ah si cad u sheegay in aysan ogoleyn in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Hargeysa ka dego isagoo ah hogaamiyaha Soomaaliya.

Tani ayaa soo gabagabeysay saacado hadalheyn ah oo ku saabsan in Farmaajo uu tegayo caasimadda Somaliland isagoo uu wehliyo Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyada Dimuqraadiga Itoobiya.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in Abiy uu gedaal ka riixayay qorshaha socdaalka isaga iyo Farmaajo ee Hargeysa.

Booqashadda ayaa lagu soo qaadey kulan saddex-geesood ah oo saddexda hogaamiye ku dhexmaray Addis Ababa, dhowaan.

"Is-tahriibin"

Dhawaqa diidmada cad ee ka timid Biixi waxaa ka falceliyey siyaasiyiin ay kamid yihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Macalin Fiqi, oo ka tirsan Aqalka Hoose, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa soo bandhigay wax uu ugu yeeray "casharka laga baran karo is-tahriibinta fashilantay ee madaxweyne Farmaajo".

"Mashruucii is-tahriibintu saakay ayuu soo afjarmay, dalabkii dhinaca saddexaad loo soo marayna waa guuldarraystay," ayuu soo qoray wax yar kadib markii uu Biixi la hadlay baarlamaanka Somaliland.

Wuxuu intaas ku daray: "Arrintan wax badan in laga barto ayay waajibinaysaa, hadda ka dibna qaddiyad Soomaali dhextaalla in aan cid kale loogu soo hoos-dugaalin ayay na tusaalaynaysaa!".

"Gacanqabasho"

Sharci-dejiye Mahad Salaad oo ka tirsan isla Golaha Shacabka ayaa su'aal ka keenay sababta uu Farmaajo u door-biday in uu Abiy hormuud u noqdo tegistiisa dalalka ay dowladiisu "la dirirsan tahay".

Mudanaha oo is-waydiiyey in ay la xiriirto "gacaltooyo ama garasho yari" ayaa tusaale ahaan u soo qaatay Eritrea iyo Kenya.

"Maamuladii uu Madaxweynaha u ahaa ayuu tagi waayay, Abiy Ahmed ayaa saraakiil Oromo ah iyo ciidamo Itoobiyaan ah ku daray si loo geeyo. Maantana Abiyow Hargeysa i geey ayuu leeyahay. Horta Madaxweynaheena in gacanta la qabto mooyee kaligiis meel ma tagi karo miyaa?!" ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Xildhibaanka.

Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeysa dacwad ka dhanka badda ah oo taala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka, halka Eritrea mar sii horeysay lagu eedeeyay in ay taageerto Al-Shabaab iyo argagixisada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM