CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho ka billowday kulamo siyaasiyiinta ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo doorashada mustaqbalka, iyadoo mudo-xileedka dowladda hadda joogto uu sii dhamaanayo, kana haray wax ka yar sanad.

Madaxdii hore, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Cumar C/rashiid ayaa hogaaminaya kulamada siyaasadeed, iyagoo kusoo bandhigay Muqdisho Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, taasoo walaac ku beertay dowladda oo ka baqaysa isku dhacyo hubeysan.

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa la filayaa in shir wayne ka qabsoomo Mowlaca Maclin Nuur oo ku dhaw madaxtooyadda, halkaasoo caan ku ah kulamada mucaaradka xiliga ay soo dhawdahay doorashadda, waxaana la filayaa in dowladda Federaalka soo saarto dhawaan awaamiir cusub oo la xiriira hubka lagu dhex-wato Caasimadda.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa siyaasiyiintan mucaaradka hadda kulamada u socdo, isagoo ka qeyb-qaatey abaabul ciidan oo ka dhan ah dowladdii Farmaajo, waxaana Ciidankiisa xirteen aaga miranaayo oo dagaal uu dhacay.

Xaaladda Muqdisho ayaan la saadaalin karin xiligan, maadaama la galayo olole doorasho, iyadoo dowladda isku dayayso inay aamusiso Mucaaradka, laakiin midaas laga digay inay ka dhalato dagaal, maadaama ay magaaladda soo galayaan askar badan oo gobolada ka yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM