Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku laayey degmada Marka

Image

July 21, 2015 (GO)- Ciidamada AMISOM ayaa maanta ugu yaraan todoba qof oo rayid ahaa ku diley degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in falkani dhacay kadib markii ciidamada AMISOM hawlgal baaritaan ah ka sameeyeen xaafadaha qaar.

Rasaasta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad toban qof oo kale, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in falkani aargoosi u ahaa qarax xalay isla degmada Marka lagula beegsaday mid kamid ah gawaarida gaashaaman ee AMISOM.

Xaalada magaalada oo saaka kacsanayd ayaa ah hadda mid degan, balse dadka ayaa aad u hadal haya dhacdadii maanta.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyo Saraakiisha  Ciidamada AMISOM wali kama aysan hadlin dadka shacabka ah ee Marka lagu laayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM