Ciidamada AMISOM oo duqeeyay Janaale

Image

JANAALE, Somalia- Ciidamada AMISOM ayaa Xalay Duqeyn ka geysatay deegaanka Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin Malleeshiyaad katirsan Ururka Al Shabaab.

Dhowr Hoobiye oo laga tuurey saldhiga AMISOM ee deegaanka Buufow ayaa ku dhacay Xaafado kamid ah Janaale, waxaana ay geesteen khasaarooyin isagu jira dhimashao iyo dhaawac shacabka gaarey.

Wararka aan ka helnay Janaale ayaa sheegay in ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah ay ku dhimatay Duqeynta, iyadoo ay jiraan dad kaloo dhaawacyo kala duwan kasoo gaarey kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Janaale.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaafiic ay ku dhaceen Tuulada Abanaana, oo ku dhaw Janaale.

Tuulooyinka ku yaallo inta u dhaxaysa Janaale iyo Shalanbood, ayaa waxaa inta badan ka dhacay weeraro iyo dagaallo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada AMISOM oo fariisamo ku leh Buufow.

AMISOM wali wax war ah kama soo saarin Duqeynta Janaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM