Ciidamada AMISOM oo ka baxay deegaanno muhiim ah

Image

March 25, 2015 (GO)- Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa maanta ka baxay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ka bixitaanka ciidamada ee deegaanadaas waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi.

Siidi oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA wuxuu sheegay in deegaanadaas oo dhaca goobo istaraatiiji ah ay kamid yihiin: Aw-dheegle, Bariirre iyo Sabiib.

Mar la weydiiyey sababta wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamada AMISOM sheegeen in qorshahani yahay mid in muddo ah soo socdey, Dolwadda Federaalka iyo AMISOM-na horay ugu heshiiyaan in deegaanadaas lagu wareejiyo ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah goobihii ciidamada Itoobiya ka baxeen waxaa isla maanta la wareegey mileeshiyaadka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM