​Ciidamada amniga Muqdishu oo labo qof toogtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo qof ayaa xalay ciidamada ammaanku ku toogteen Suuqa Beerta Xaadka ee Degmada Hodon, kuwaasi oo aan la xaqiijin haybtooda, balse Booliisku ku tilmaameen inay ahayeen Burcad dhac u geysatay Goobo Ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Saraakiisha Booliska Degmada Hodon, ayaa sheegay in ciidamada ay dileen Labo Nin oo watay AK-47, sidoo kalena lebisan Dareeska ciidamada dowladda kadib markii ay ka biyo diideen inay isku dhiibaan.

Meydadka Labada ruux ayaa la dhigay Xarunta Dembi Baarista CID-da, waxaana la xaqiijinayaa inay katirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo inay ahaayeen rag burcad ah oo soo xirtay Dareeska ciidamada.

Dhinaca kale, waxaa isla xalay Qarax khasaaro gaystay ka dhacay magaalada Muqdishu, xilli dhawaan Hay'adaha amniga dowaldda Waqtiga ka dhamaaday ay sheegtay inay sugayso amniga caasimadda Somalia.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay in Qarax lagu weeraray Guri uu Degmada Xamar Jajab ka degan yahay Sarkaal katirsan Booliska DFS.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Labo Bambaano oo kuwa gacanta laga tuuro ah lagu weeraray Guriga Sarkaalkaas, balse mid kamid ah ay qaraxday islamarkaana ay dhaawac gaarsiiyay ugu yaraan 6 Ruux, kuwaasi oo qaarkooda xaaladoodu liidato.

Majirto cid sheegatay qaraxaas, balse waxaa falalkan caan ku ah ururka Al Shabaab.

Xaaladda amniga Muqdishu, ayaa muddooyinkii dambe faraha ka baxday, waxaana dowladda waqtigeedu dhammaday ku fashilantay inay sugto nabad galyada xilli doorashadii waddanka ka dhici lahayd ka hartay muddo kooban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM