Ciidamada ATMIS oo soo gaba gabeeyay wajigii labaad ee ka bixitaankooda dalka

Image
ِATMIS ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 7 saldhig oo militari ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ATMIS ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wajigii labaad ee ka bixitaanka 3,000 oo askari ee dalka, ka dib muddo afar bilood ah oo dib u dhac ku yimid.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in muddo 3 bilood ah “hakin farsamo ah” lagu sameeyo hannaanka ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka, kaas oo la qorsheeyay in la hirgeliyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Ciidamada nabad ilaalinta ATMIS ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri “ATMIS waxay soo gebagebeysay wejigii labaad ee ka bixitaanka Ciidamadeed ee Soomaaliya, iyada oo laga dhimay tirada Ciidamada ilaa 3,000 oo askari”.

ِATMIS ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 7 saldhig oo militari ah, waxaana la xiray labo saldhig oo kale.

"Waxaan dhawaan bilaabi doonaa diyaarinta wajiga soo socda, wajiga saddexaad, si loo dhimo 4,000 oo askari ilaa bisha June," ayuu yiri General Sam Okeding.

Tirada askarta laga saaray dalka ee wajiyada koowaad iyo labaad ayaa gaaraya 5,000 oo askari, waxaana Soomaaliya weli ku sugan 14,600 oo askari oo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM