Ciidamada Cirka Itoobiya oo Duqeymo ka Fuliyeey Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA — Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa duqeymo ka fuliyay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana Broadcasting Corporate, Jimcihii.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay horey ugu saxiixdeen heshiis amni bishii hore.

"Ma jirto duqeyn hawada ah oo ka dhici karta Soomaaliya oo aan ogolaansho ka helin dowladda," ayuu yiri Wasiirka Difaaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, oo intaas ku daray in ciidanka difaaca Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen howlgalkaas.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay iskaashiga amni ee sii kordhaya ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo xusay Heshiiska Ankara oo ah qaab-dhismeedka wada-shaqeynta labada dal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa ahaa hawlgalkii ugu horreeyay ee cirka Itoobiya ka fuliyaan gobolkaas sannadihii la soo dhaafay, iyadoo dowladda Soomaaliya u ogolaatay ciidamada Itoobiya inay ka qaybqaataan Hawlgallada Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa noqday goob dagaallo culus ku dhexmarayaan Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay taageeraan ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleyda.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xadka Feerfeer ay usoo dhaqaaqeen dhanka Shabeellaha Dhexe, si ugu biiraan dagaalka socda, una taageeraan dowladda Soomaaliya.

Ka-qaybgalka Itoobiya ayaa yimid kadib isbeddel ku yimid xiriirka labada dal, kadib khilaafyo bilihii la soo dhaafay, waxaana heshiiska Ankara iyo heshiiska iskaashiga milatariga ee labada dal uu xoojiyay wada shaqeyntooda.

Hoggaamiyeyaasha milatariga ee labada dal ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya bishii Febraayo, waxaana ay ku heshiiyeen in la xoojiyo howlgallada wadajirka ah iyo in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan dhammaan dhulka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Musuq-maasuq iyo $3.27 milyan oo maqan oo lagu eedeeyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay farqi weyn oo ku saabsan dakhliga dowladda ka hesho Garoonka Caalamiga ah ee Aden Adde.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 06:35AM

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM