Ciidamada Danab oo muddo todoba sano ah ku yeeshay lix taliye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 26-kii October, 2020 wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay taliyaha ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ismaciil Cabdimaalik oo lagu waramay in uu xabsi guri ku yahay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu bedelay Gaashaanle Axmed Cabdullaahi [Beryare] kaasoo kamid ah saraakiishii lagu aas-aasay kumaandooska.

Isbedelkan ayaa ka dhigan in Danab ay yeelatay taliyihii lixaad tan iyo markii dhidibadda loo taagay sanadka markii uu ahaa 2013-kii.

Liiska taliyeyaasha horey u soo maray Danab ayaa kala ah;

1- Gaashaanle Sarre Xasan Kumaandoos oo xilka hayey intii u dhaxeysay 2013 illaa iyo 2014
2- Gaashaanle Dhexe Yacquub Axmed Siyaad ayaa jagadaas wuxuu hayey mudadii u dhaxeysay 2014-2015
3- Gaashaanle Sarre Axmed Cabdullaahi Sheekh [Axmed Danab] ayaa xafiiska joogay 2016 illaa iyo 2019
4- Gaashaanle Cabdiraxmaan Cumar Jeeniqaar ayaa taliyaha Danab wuxuu ahaa intii u dhaxeysay 2019-2020
5- Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik wuxuu hogaaminayey ciidamadan mudadii u dhaxeysay 2020-2020
6- Gaashaanle Axmed Cabdullaahi [Beryare] oo sanadkan 2020 loo magacaabay wuxuu hayaa illaa hada.

Ciidamadda Danab oo fuliya howlgalo dhulka ah laguna beegsado maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab ayaa waxaa tababara Mareykanka, iyaddoo dufcadoodii ugu horeysay ay soo baxdey bishii Febraayo sanadkii 2014-kii.

Xilli fadhigooda rasmiga ah uu yahay Balidoogle, xaro ku taala degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa tiradooda lagu sheegaa inta u dhaxeysa saddex kun illaa 4-kun, iyagoo lagu bilaabay 570 askar.

Dugsiga tababarka ee Turkiga ka furay duleedka Koonfur Galbeed ee Muqdisho ayaa saameyn ku yeelatay soo saarista dufcado kale maadaama dowladda ay qandaraaskaas u wareejisay xukuumadda Ankara.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in uu doonayo saaritaanka askarta Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya, balse dhigiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu si toos ah kasoo horjeestay qorshahaas culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM