Ciidamada DF oo Gedo ku qabtey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabab

Image

February 1, 2015 (GO)- Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Gedo ayaa shaaciyey inay qabteen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Jaamac Muuse oo ka tirsan taliyeyaasha ciidamada dowlada ayaa sheegay in sarkaalka la qabtey oo in muddo ah ku dhuumaaleysanayey miyiga gobolka Gedo kamid yahay qaybta Al-shabaab u qaabilsan diyaarinta walxaha qarxa.

Jaamac Muuse  faah faahin kama bixin qaabka lagu qabtey ninkaas mana sheegin magaciisa, wuxuuse xaqiijiyey in maalmaha soo socda loo soo wareejin doono dhanka magaalada Muqdisho warbaahintana loo soo bandhigi doono.

Bishii December ee sanadkii hore 2014 ayey ahayd markii uu ciidamada Dowlada Federaalka ee gobolka Gedo  isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo laga saarey badi magaalooyinkii ay koonfurta dalka kaga sugneyd, waxay weli ka arimisaa deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo labo todobaad kahor warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM