Ciidamada DF oo guul ka sheegtay dagaal ka dhacay Hiiraan

Image

December 5, 2015 (GO)- Militeriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in 13 ka tirsanaa dagaalyahannada Kooxda Al-shabaab lagu diley dagaal gelinkii dambe ee shalay [Jimce] ka dhacay duleedka magaalada Beledweyn.

Taliyaha Ciidamada Aagga Hiiraan, Maxamed Cumar ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Xinhua in ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya AMISOM ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-shabaab, dibna uga riixeen goobihii lagu dagaalamay.

Dagaalka oo sida taliyuhu sheegay ahaa mid culus waxaa dhanka ciidamada huwanta uga dhaawacmay todoba askari.

"13 ayaan ka dilnay kooxda nabad-diidka ee Al-shabaab...dhankeena waxaa dhaawacmay todoba askari" ayuu yiri.

Gobolka Hiiraan oo kamid ah gobollada ugu wax-soo-saarka badan dalka, waxaa qaybo kamid ah weli gacanta ku haya Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa bilihii u dambeeyey wadey hawlgallo mileeshiyaadka Al-shabaab looga sifeynayo Hiiraan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM