Ciidamada DF oo qabtey labo sarkaal oo Al-shabab ka tirsan

Image

March 26, 2015 (GO)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisey inay gacanta ku dhigtey labo sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in labada nin Al-shabaab u qaabilsanaayeen hawlgallada dilka iyo qaraxyada ee ka dhaca gobollada Shabeellada Hoose iyo Banaadir.

Labada nin waxaa lagu kala magacaabaa Gallad Cabdi Warame  oo ka hawlgelayay gobolka Shabeellada Hoose iyo Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Af-weyne oo isna ka hawlgelayey gobolka Banaadir.

"ragga nocan oo kale ah in lasoo qabto waa guul weyn waxayna  muujinaysaa in waaxyaha amniga ee dowladdu shaqadii loogu tagala galay gudanayaan" ayuu yiri.

Dhanka kale, Ridwaan Xaaji Cabdiweli wuxuu ka hadlay ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose isagoo sheegay in qorshahaasi ahaa mid Dowladda Federaalka iyo taliska AMISOM isla ogyihiin.

Qabashada saraakiishan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa labo todobaad kadib markii duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku fuliyeen lagu diley sarkaal lagu magacaabi jirey Axmed Garaar, kaasoo ka tirsanaa garabka amniga iyo sirdoonka Al-shabaab (Amniyaadka) una qaabilsanaa qorsheynta weerarrada ka dhacaya meelaha Soomaaliya ka baxsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM