Ciidamada Dowladda Federaalka oo diley Xildhibaan Yuusuf Dirir!

Image

Shir ay xalay isugu yimaadeen hay’adaha Amniga ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo darawalkiisa kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsan ciidanka milateriga.

Wasaarada Amnigu waxay ugu horayn halkaan tacsi uga diraysaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Yusuf Cabdi Dirir, waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo qoyskii, qaraabadii, Xildhibaanada Baarlamaanka, iyo dhamaan shcabka Soomaaliyeed.

“Dhacdadaan xanuunka badan waxay u dhacday sida tan; gaari ay wateen Xildhibaanda oo marayey wadada Maka-Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid gaari ciidan saaran yihiin, wuxuuna u yeeriyey hoon, madaama ay shaki abuuri karto gaari si xoog ah u socda, gaariga Xildhibaanadu waxay u diideen inuu baaso gaariga ciidanka, kadiba gaarigii ciidanka wuxuu qabsaday seedkii kale, wuxuuna isla markiiba horey uga yimid gaarigii xildhibaanada, rasaas ayuuna ku furay gaarigii xildhibaanada, ilaaladii waardiyeeynaysay  xildhibaanada, ciidankii waardiyaha ka ahaa Laanta Socdaalka, iyo ciidamo ka tirsan nabadsugida oo goobta ka dhawaa ayaa rasaas ku soo riday gaarigii ciidanku wateen, waxaana gaarigii ciidanka milaterigu wateen goobta ka baacsaday ciidankii nabad sugida, waxayna ka dhaawaceen lix askari” ayuu yiri Afhayeenka Aminga.

Afhayeenka ayaa dhanka kale xusay in  dhacdadaas uu ku naf waayey xildhibanka iyo darawalkiisa, waxaan dhawac ka soo gaaray mid ka mid ah ilaaladii Xildhibaanka oo ka tirsanaa ciidanka Booliska iyo  lix ka tirsan ciidanka milateriga.

Maxamed Yuusuf afhayeenka wasaaradda Amniga gudaha ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaan aysan ahayn mid lagu bartilmaameedsanayey xildhbaanada, balse gaariga ciidanku wateen wuxuu ku socday si masuuliyad daro ah.

“Waxaana meesha ka dhashay kala shaki sababay in lays rasaaseeyo, mana jiraan gacmo kale oo ku lug lahaa qaabka wax u dhaceen” ayuu mar kale yiri Afhayeenka Amniga.

Dowladu waxay u saartay gudi ka kooban todobo xubnood, gudigaas waxaa la amray in ay muddo kooban ku soo gabagabeeyaan baaritaankooda, si loola tiigsado sharciga cid walaba oo ku lug lahaata falkaas.

DHAMMAAD

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM