Ciidamada Dowladda Federaalka oo Baardheere ku wajahan

Image

March 20, 2015 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan degmada Baardheere, halkaaso xilligan ururka Al-shabaab uu ka arimiyo.

Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay dhowaan degmada Baardheere ugala wareegi lahaayeen Al-shabaab, isagoo xusey in deegaannada kale ee weli Shabaabku arrimiyaanna sida ugu dhaqsaha badan loo xoreyn doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"waan xoreynaynaa Inshaa Allaah Baardheere iyo deegaanada kale ee weli Al-shabaabku ku sugan yihiin sida ugu dhaqsaha badan " ayuu yiri.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhankooda ku jira diyaar garow xoggan waxayna boqollaal ciidamadooda ka tirsan isugu keeneen Baardheere iyo deegaanada hoos taga.

Madaxda maamulka Jubaland ayaa dhowr mar oo hore sheegay in sanadkan gudihiisa Al-shabaab ay ka saari doonaan dhammaan deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada Jubada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo.

GAROWER ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM