Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegey Tooratoorow
June 2, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa goor hore oo saaka ah la wareegey deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo horay kooxda Al-shabaab gacanta ugu haysey.
Ciidamada is-garabsanaya ayaa si nabad ah halkaas ku gaarey, kadib markii Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay deegaankaas banneysey.
Degmada Sablaale ayaa noqoneysa tan kaliya ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee xilligan ku jirta gacanta Al-shabaab, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dhowaan halkaas u ruuqaansan doonaan.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-shabab soo weerartey islamarkaana muddo kooban la wareegtey deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan isla gobolka Shabeellada Hosoe.
GAROWE ONLINE