Ciidamada Dowladda oo howlgal ka wada gobolka Shabeellaha Hoose

Image
Dowladda Federaalka ayaa waddo howlgallo ay ka fulinayso deegaanada Shabeellaha Hoose.

Janaale, Soomaaliya - Ciidamada Amniga oo kaashadeen Saaxiibada caalamka ayaa Hawlgal ka fuliyay tuulada Ugunji ee hoos tagta magaalada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan kooxda “AS”m sida lagu sheegay qoraal ay dowladdu soo saartay.

Hawlgallada ayaa lagu dilay Maxkamad ay ‘AS’ ku lahaayeen deeganadaasi waxaana lagu qaarajiyay ilaa todobo horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Cadnaan oo u qaabilsanaa kooxda diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha in laga qaado iyo horjeege ku xigeenka “AS” u joogga Ugunji Horjooge Yaxye.

Dowladda Federaalka ayaa waddo howlgallo ay ka fulinayso deegaanada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud, xilli lagu dilay xubno ka tirsan kooxda AS, lana burburiyay goobo ay leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM