Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano cusub oo dhaca gobolka Shabeellaha Hoose

Image
Ciidamada iyo Macawislayda ayaa maalmihii ugu danbeeyay la wareegay in ka badan 20-deegaan.

Marka, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda oo isugu jira Boliiska gaarka ah ee Haramcad, Ciidanka Xooga Dalka & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta si wadajira howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgalka ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Jilib Marko iyo Buulo Nagey, waxaana la sheegay in Khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda ‘AS’.

War ka soo baxay dowladada ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay burburiyeen fariisimihii AS ee deegaanad kala ah Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah AS, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo xoogaga Macawislayda oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM