Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dib ula wareegay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire

Image

Muqdisho – Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Bariire, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose, una jirta qiyaastii 50km koonfur galbeed magaalada Muqdisho, caasimadda dalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Howlgalka oo socday muddo toddobaad ah ayaa lagu beegsaday saldhigyada kooxda Al-Shabaab ee Bariire iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Saraakiisha milateriga ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, tiro kalena lagu qabtay iyagoo nool. Waxa kale oo la sheegay in la helay hub iyo saanad ciidan oo ay kooxdaasi ka tagtay xilli ay ka cararayeen magaalada.

“Ciidamadu waxay haatan wadaan hawlgallo nadiifin ah si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada iyo tuulooyinka deriska la ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaradda ayaa bogaadisay dadaalka iyo geesinimada ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM, iyadoo sheegtay in la diyaarinayo warbixin dhammaystiran marka la soo ururiyo xogta dagaalka.

Bariire ayaa muddo dheer ahayd saldhig istiraatiiji ah oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah. Guushan ayaa imaanaysa xili bishii hore Al-Shabaab la wareegtay Maxaas, ah degmo muhiim ah oo katirsan gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM