​Ciidamada Ethiopia oo ka baxay Halgan iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Image

HALGAN, Somalia- Malleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa Saakay oo Axad ah dib ula wareegay deegaanka Halgan, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa (AMISOM).

Wararka aan ka helayno Ilo-wareedyo ku sugan Halgan, ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dagaal la'aan kula wareegeen deegaanka, markii ciidamadii Ethiopia ee joogay ay Xalay saqdii dhexe faarujiyeen saldhigyadooda.

Deegaanka Halgan, oo qiyaastii 75KM dhanka Koonfureed uga beegan magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer oo hore uga dhacay weeraro Al shabaab ku qaadeen AMISOM.

"Boqolaal Dagaalyahan oo Al shabaab katirsan ayaa lagu arkay saakay gudaha deegaanka, waxaana ay ku sugan yihiin oo calankooda ka taageen saldhiga Booliiska iyo xarunta maamulka Halgan," Ayuu yiri qof deegaanka ku sugan oo la hadlay GO.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan sababta ay uga soo baxeen Tuulada Halgan.

Mallayshiyaadka Al Shabaab, ayaa deegaanada ay la wareegaan, waxay ku qisaasaan shakhsiyaad katirsan shacabka oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM