Ciidamada Hindiya oo soo badbaadiyay badmaaxiin ay afduub u haysteen burcad badeed Soomaali ah

Image
Ciidamada Badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay 19 ka tirsan badmaaxiinta Pakistaniyiinta.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Badda ee Hindiya ayaa gudaha xeebaha Soomaaliya ka fuliyay howlgal lagu badbaadiyay 19 ka tirsan badmaaxiinta Pakistaniyiinta, kadib markii doontooda kalluumeysi ay afduubeen burcad-badeed.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu ku guuleysto markab dagaalka INS Sumitra muddo 36 saacadood gudahood ah. Sidoo kale, markabkan ayaa hore u badbaadiyay shaqaale 17 ah oo Iiraaniyiin ah oo saarnaa doon sidoo kale burcad-badeeddu qabsatay,

Dhacdadan ayaa dib u soo cusboonaysiisay walaacyada ku saabsan in burcad-badeednimada ay mar kale ka soo noqoto xeebaha Soomaaliya. INS Sumitra ayaa loo direy si ay uga qeyb qaadato hawlgallada amniga badda ee xeebaha bari ee Soomaaliya iyo Gacanka Cadan, iyadoo ka jawaabeysa wicitaanno gargaar oo dhowr ah oo ka yimid maraakiib iyo badmaaxiin.

Warbixinta ciidamada badda ayaa sheegaysa in INS Sumitra uu ka jawaabay fariin gargaar ah 28-kii Janaayo, iyagoo qabtay doon calan Iiraan leh oo ay burcad-badeeddu haysteen. Saraakiisha ciidamada badda ayaa guul ku gaaray wada xaajoodka ay la galeen burcad-badeedda, si nabad ahna u sii daayeen shaqaalaha iyo doonta. Shaqaalaha la sii daayay ayaa dib ugu laabtay safarkoodii kadib markii la hubiyay nabadgelyada doonta. Faahfaahinta ku saabsan burcad-badeedda la qabtay lama sheegin.

Muddo yar kadib, INS Sumitra ayaa mar kale loo diray si ay u baarto oo u badbaadiso doon kale oo calan Iiraan leh oo la oran jiray Al Naeemi. Ciidamada badda ayaa baaritaan ku sameeyay doonta iyagoo xaqiijinaya badqabka shaqaalaha. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay sawirro muujinaya ciidamada badda Hindiya oo ilaalinaya ragga burcad-badeedda ah ee gacmaha ka xiran.

Dhanka kale, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa badbaadiyay lix kalluumeysato reer Sri Lanka ah kadib markii doontooda ay afduubeen burcad-badeed.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Bloomberg, kororka weerarrada burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya waxaa sabab u ah carqaladeynta amniga badda ee ka dhalatay weerarro lagu qaaday maraakiibta ku sugan Badda Cas oo ay fuliyeen kooxda Xuutiyiinta, taasoo taageero ka hesha Iran. Bishii Janaayo 26-keeda, ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay inay u direen markabkooda INS Visakhapatnam Gacanka Cadan si uu uga jawaabo wicitaan gargaar oo ka yimid Marlin Luanda, oo ah markab shidaal oo xiriir la leh UK, kaasoo muddo saacado ah gubanayay kadib markii uu ku dhacay gantaal ay rideen Xuutiyiinta. Maraakiibta Faransiiska iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay gargaarka markabkaas.

Horraantii bisha Janaayo, ciidamada kumaandooska badda ee Hindiya ayaa sidoo kale badbaadiyay 21 xubnood oo shaqaale ah oo saarnaa markab calan Liberia leh oo burcad-badeeddu ku weerartay xeebaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 08:36AM

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM