Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay J. Hoose

Image

May 18, 2015 (GO)- Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMSIOM iyo ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Xareeri-Hoosley ee ku yaalla gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Iska-hor-imaadka ayaa bilowdey kadib markii kooxo ka tirsan Al-shabaab jidka u galeen kolonyo ciidanka Kenya kamid ah oo kasoo baxay fariisin ay ku leeyihiin deegaanka Khadiijo Xaaji.

Inta la ogyahay shan askari oo ka kala tirsanaa labada dhinac ayaa dagaalka ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale la gubey mid kamid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Kenya.

Rasaas culus ayey labada dhinac isku rideen, waxaana dagaalka ka qayb qaatey diyaaradaha dagaalka, sida laga soo xigtey dadka deegaanka.

Ciidamo Kenyan ah oo gurmada ayaa goobta soo gaarey, waxaana deegaanka lagu dagaalmay ka qaxay tobannaan qoys oo reer guuraa u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM