Ciidamada Kenya oo la wareegey sarkaalkii Gedo lagu qabtey

Image

December 30, 2014 (GO)- Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa la wareegey sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab oo saddex maalmood kahor isu soo dhiibey ciidamada Dowalada Federaalka ee fadhigoodu yahay gobolka Gedo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sakariye Ismaaciil Xirsi waxaa qorshuhu ahaa in maanta loosoo gudbiyo dhanka magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowlada ayaa horay u diidey in ninkaas ay ku wareejiyaan Kenya.

Dowalada Federaalka Soomaaliya weli arintan wax war ah kama soo saarin, sidoo kale ma jiro war arintaas la xiriira oo kasoo baxay dhanka Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiisha Somalida ee ku sugan degaaankas raadinayeen iney dowlada Mareykanka ka helaan lacag lagu bxin lahaa cidii soo sheegta halka uu ku sugan yahay ama soo qabata Sakariye Axmad.

Sarkaalka Al-shabaab ee maanta Kenya la wareegtey wuxuu kamid ahaa saraakiishii Al-shabaab ee ay is khilaafeen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna in muddo ah ku dhuumaaleysaneyey miyiga gobollada Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii Godane amray in la laayo Sakariye iyo  xubnihii kale ee ay isku fikirka ahaayeen. 

Xilal badan ayuu ninkaasi kasoo qabtay kooxda waxaana kamid ahaa: madaxa sirdoonka geeska Afrika, madaxa wilaayaadka (gobollada) iyo abbaanduulaha guud ee ciidamada Al-shabaab. 

Sanadkii 2012 dowlada Maraykanka ayaa saddex milyan oo doolar u ballan qaaday ciddii keenta xog sahleysa in la dilo ama nolosha lagu soo qabto dhowr nin oo Sakariye Ismaaciil kamid ahaa. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM