Ciidamada Koonfur Galbeed oo fashiliyay gaari qarax siday oo ku wajahnaa Baydhabo

Image
Laamaha ammaanka ayaa xogta gaariga ka helay dadka deegaanka.

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan gaari qarax siday oo ku wajahanaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ka dib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.

Ciidamada Daraawiishta KG oo ku raadjoogay ayaa waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, xilli uu ku sii jeeday magaalada Baydhabo, si uu qaraxyo ismiidaamin ah uga fuliyo.

Laamaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii ay heleen xog ku saabsan weerar ay ‘AS’ doonayeen in ay ka fuliyeen magaalada.

Maamulka iyo hay’adaha amaanka Koonfur Galbeed ayaa ku jiray bilooyinkii la soo dhaafay u diyaargarowga iyo dardargelinta wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhan “AS” balse ilaa kooxda ayaa go’doomin ku heyso magaalooyinka ugu weyn ee KG.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM