Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya oo rayid dhaawacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacantay rasaas ay fureen ciidanka nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya kadib qarax lagula eegtay Muqdisho, sidda uu xaqiijiyey taliska booliska.

Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhashay Miino ayaa ka dhacay isgoyska Soos ee degmadda Hiliwaa, Axada maanta ah.

Goobjoogeyaal kala duwan oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa warbaahinta u sheegay in kolanyada AMISOM burbur soo gaarey.

Balse lama soo warin waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo xoogaga ururka Midowga Afrika kasoo gaarey falkaas. Illaa iyo hadda ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weerarka.

Shacabka ku dhaawacmay xabadaha ay ciidanka AMISOM rideen kadib qaraxa ayaa waxaa loola cararay Isbitaal si loo badbaadiyo noloshooda.

Ciidanka shisheeye ayaa isu socodka wadada isku xirta isgoyska Soos iyo xaafada Suuqa Xoolaha waxay hakad geliyeen muddo dhowr daqiiqo ah kadib dhacdadaasi, wallow ay dib ka fureen.

Inta badan askarta AMISOM ayaa sameeya ficilo noocaan ah mana jirto talaabo wax looga qabanayo oo ay dowladda Soomaaliya ka qaado ciidanka nabad-ilaalinta u jooga dalka tan iyo 2007-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM