Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Image

BOOSAASO - Ciidamada Puntland ayaa hawlgal muhiim ah ka fuliyay dhulka buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyadoo ay kala wareegeen Daacish dhowr saldhig, oo ay ku jirto saldhigga weyn ee Sheebaab, kaasoo ah goob muhiim ah oo ku taalla Togga Jeceel, halkaasoo ay horey ugu dhexmareen dagaallo culus ciidanka Puntland iyo Daacish.

Sidoo kale waxay Ciidamada gaareen Dhadar iyo Kayaxa, iyagoo u ruqaansadey deegaanada ku dhaw, halkaasoo ay ku baacanayaan xubnaha Daacish ee firxadka ah, kuwaasoo cirka iyo dhulka kala kulmay duqeymo iyo dagaallo culus, oo dad badan uga dhinteen.

Hawlgalkaasi ayaa si guul leh u dhacay, iyadoo aan la ogeyn  khasaaraha soo gaaray ciidamada Puntland. Taliyaha Ciidanka Badda Puntland, General Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in ay kooxdu si fudud ugala wareegeen saldhigyada, oo aysan wax dagaal ah kala kulmin muddadii hawlgalka socday.

Waxay Ciidamada heleen godad ay hogaamiyaasha Daacish hoy ka dhiganayeen, oo difaacyo ka dhex-sameysteen kuwaasoo ku yaalla buuraha hoostooda. Waxaa lagala wareegay dawo, shidaal, raashiin iyo hub badan oo keydkooda loogu galay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

Ciidamada difaaca Dowladda Puntland ayaa gudaha u galay Dhadaar, iyagoo gacanta ku dhigay Rasaas, daawooyin, agab Caafimaad iyo cunto qalalan oo ay ka carareen argagixisada Daacish.

Sidoo kale, ciidamada Difaaca dowlada Puntland ayaa hawlgallo ka sameeyay inta u dhexeysa Dhadaar iyo Shebaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

"Ciidanku waxay gudaha u galeen Dhadaar, waxa la qabtay Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan oo ay ka carareen Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo amni ka sameeyeen inta u dhexeysa Dhaadaar iyo Sheebaab."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM