Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Image

BOOSAASO - Ciidamada amniga Puntland ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in dagaalyahannada dhaawacmay ee Daacish ay ka heleen daaweyn caafimaad isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa, Somaliland.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsiyada ka jira Hargeysa ayaa lagu eedeeyay inay alaabo u soo direen kooxda hadda looga adkaaday dagaalka Calmiskaad, sida ay sheegayaan warbixinno ka soo baxay saraakiil amniga Puntland, kuwaas oo helay dukumiintiyo ay Daacish uga carartay deegaannada dhawaan laga qabtay ee buuraha.

Dowladda Puntland ayaa billowday baaritaan ku saabsan arrintan, waxaana la hayaa magacyada Isbitaallada iyo ganacsiyada lagu eedeeyay inay Daacish xiiriir la lahaayeen.

Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay xiriir la leedahay Daacish iyo Al-Shabaab, balse Somaliland ayaa si joogto ah u diiday eedeymahan. 

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in wajiga xiga 3aad ee howlgallada Hillaac uu diiradda saari doono burburinta shabakadaha la shaqeeya Daacish, oo ganacsatada ay kamid yihiin. "Waxaan la dagaalami doonaa kuwa taageera ama maal-galiya kooxaha argagixisada," ayuu yiri Deni.

Puntland ayaa kordhisay dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyagoo doonaya inay burburiyaan saldhigyada ay ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, oo hadda ka socda howlgal militeri oo guulo badan laga gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM