Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Image

BOOSAASO - Ciidamada amniga Puntland ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in dagaalyahannada dhaawacmay ee Daacish ay ka heleen daaweyn caafimaad isbitaallo ku yaalla magaalada Hargeysa, Somaliland.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsiyada ka jira Hargeysa ayaa lagu eedeeyay inay alaabo u soo direen kooxda hadda looga adkaaday dagaalka Calmiskaad, sida ay sheegayaan warbixinno ka soo baxay saraakiil amniga Puntland, kuwaas oo helay dukumiintiyo ay Daacish uga carartay deegaannada dhawaan laga qabtay ee buuraha.

Dowladda Puntland ayaa billowday baaritaan ku saabsan arrintan, waxaana la hayaa magacyada Isbitaallada iyo ganacsiyada lagu eedeeyay inay Daacish xiiriir la lahaayeen.

Puntland ayaa horey ugu eedeysay Somaliland inay xiriir la leedahay Daacish iyo Al-Shabaab, balse Somaliland ayaa si joogto ah u diiday eedeymahan. 

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in wajiga xiga 3aad ee howlgallada Hillaac uu diiradda saari doono burburinta shabakadaha la shaqeeya Daacish, oo ganacsatada ay kamid yihiin. "Waxaan la dagaalami doonaa kuwa taageera ama maal-galiya kooxaha argagixisada," ayuu yiri Deni.

Puntland ayaa kordhisay dadaallada ka dhanka ah argagixisada, iyagoo doonaya inay burburiyaan saldhigyada ay ku lahaayeen buuraha gobolka Bari, oo hadda ka socda howlgal militeri oo guulo badan laga gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM