Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Image

Boosaaso, Soomaaliya – Ciidamada Puntland ayaa howlgallo waaweyn ka fuliyay subaxnimadii Maanta dhulka u dhaxeeya Miiraale iyo Moqor, kuwaas oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad, ee gobolka Bari, sida ay sheegeen Saraakiisha.

Howlgalkan ayaa loo qorsheeyay si loo beegsado maleeshiyaadka ISIS ee ka cararay dagaallo xoogan oo ka dhacay Calmiskaad, kadib markii ay waayeen meelihii ay ku dhuumanayeen ee muhiimka ahaa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in weerarkaan uu yahay mid xooggan oo lagu beegsanayo xubnaha kooxda ISIS ee ku dhuumanaya dhulalka fogfog, gaar ahaan kuwa ku jira buuraleyda Moqor iyo togga Miraale, oo dhawaan Mareykanka dhowr duqeyn ka fuliyay.

Howlgalladan ayaa u muuqda kuwo lagu xoojinayo dadaallada Puntland ee la dagaallanka argagixisada ku sugan buuraha gobolka Bari. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan tirada khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

Maalintii shalay, ku dhawaad 50 xubnood oo Daacish katirsan ayaa lagu dilay howlgalladii dhacay oo cirka iyo dhulka isagu jiray, iyadoo uu hadda heer gaba-gabo marayo wajiga 3aad ee dagaalka Calmiskaad.

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, iyadoo ku dadaalaysa inay ka nadiifiso gobolladaasi argagixisada.

Imaaraatka iyo Mareykanka ayaa dowladda Puntland ka taageeraya dagaalka Daacish, iyadoo diyaaradahooda duqeymo ka fuliya meelaha Ciidamada dhulka ay howlgalka ka wadaan, si ugu fududaato inay ka saaraan kooxda saldhigyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM