Ciidamada Puntland oo u ruqaansadey degaanka Madashoon

Image

Dec 28, 2014 [GO]- Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo ilo ku dhow saldhigayda ciidamada amniga Puntland ku leeyihiin Buurta Galgala ayaa sheegaya in ciidamada qabsadeen maalintii shaley aheyd degaanka Madashoon halkaas oo saldhig Labaad u aheyd kooxda Al-shabaab.

Degaanka Madashoon ayaa 23 KMG dhinaca Galbeed u jirta Buurta Galgala halkaas oo saldhig u ah ciidamada amniga Puntland.

Ciidamada amniga Puntland ayaa wararku sheegayaan iney howlgalkaan ku dileen 12 ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaasoo isaga cararey degaanka Madashoon.

Saraakiil ka tirsan dowlada oo ka tirsan kuwa argagixisada la dagaalama ayaa wararku sheegayaan iney tageerayeen ciidamada dagaalkaan ku tagey degaanka Madashoon.

Howlgalkaan oo noqnaya mid lagaga sifeynayo kooxdaan ku dhuumaaleysata degaanada fog ee ku yaal buuraleyda Golis ayaa bilowdey maalintii shaley iyadoo la filayo inuu socda maalmaha soo socda.

Dowlada Mareykanka oo ka tirsan wadamada ka tageera wadanka Somalia la dagaalanka Al-shabaab ayaa dabada ka riixaysa dagaalkaan la damacsan yahay in lagaga xoreeyo kooxdaan degaanka buuraha Golis kadib markii sanadkii 2014 ku soo xoogeysteen degaankaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM