Ciidamada Soomaaliya oo "dilay" in ka badan 100 dagaalame oo Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyey in howlgalkii ay kula wareegeen magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen in ka badan 100 dagaalame oo Al-Shabaab ahaa.

Korneel Cismaan Shabeel, afhayeenka ciidanka xoogga, oo la hadlay warbaahinta, ayaa tilmaamay in dhankooda uusan soo gaarin khasaaro.

"Anigoo been iska dhowraya waxaan indhaheygu ku arkay 142 dhimasho ah," ayuu Shabeel ku adkeystay, wallow aysan soo bandhigin. "Dhaawacyaddu waxay gaarayaan 29; 18 maxbuusna waan ka haynaa," ayuu xusay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Korneel Shabeel ayaa carabka ku dhuftay in ay kusoo furteen 21 xabo oo qori ah isuguna jira; AK47, Baasuuke iyo Beekee'emyo.

Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, sarkaalka ayaa adkeeyay ahmiyadda istaraatiijiyadeed oo ay leedahay magaaladda Janaale

"Janaale waa la socotaan waxay ahayd saldhigii ugu weynaa ee argagixisada, Janaale waxay ahayd marinka iyo dhaqaalaha meesha ay ka helaan iyo waddooyinka gobolada oo dhan isku xira," ayuu raaciyey.

Janaale, oo caan ku ah beeraha, ayaa qiyaastii waxay Muqdishu u jirtaa 95 KM, taas oo ka dhigan in loo socon karo ku dhowaad 40 daqiiqo.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada Soomaaliya, ma jiro wax war ah oo ku aadan khasaaraha oo kasoo baxay xoogaga hubeysan.

Dhanka kale, Korneelka oo balanqaadey in ay gacanta kusii hayn doonan nabad-gelyadda Janaale ayaa tibaaxay in ay magaalada kusoo celiyeen 1,500 oo horey uga barakacay isla markaana ay u qeybiyeen cunto.

Al-Shabaabka laga saarey Janaale ayuu ka shanqariyey "in ay u baxsadeen saddex meelmood, waana ka dabatagi doonaa".

Qabashada Janaale waxaa ka qeyb-qaatay ciidamo huwan oo isugu jira Soomaali, AMISOM iyo Ameerikaan. Diyaaradaha cirka ee Mareykanka waxay sidoo kale kaalin weyn ka cayaareen baacsiga dagaalameyaasha Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM