Ciidamada Ximin iyo Xeeb iyo mileeshiyo beeleed ku dagaalamay Galguduud

Image

November 29, 2014 (GO)- Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen tiro intaas ka badanna uu dhaawac kasoo gaarey dagaal ka dhacay tuulada War-shuba ee gobolka Galguduud.

Dagaalka oo dhex maray ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo mileeshiyo beeleed hubeysan oo kasoo jeeda degmada Dhuusomareeb wuxuu bilowday gelinkii dambe shalay oo Jimce ahayd isagoo joogsaday xalay saqdii dhexe.

Ku dhowaad labaatan qof oo dagaalkaas kusoo dhawacmay islamarkaana ku jiraan qaar ay xaaladoodu halis tahay ayaa lasoo gaarsiiyey xarumaha caaafimaadka ee degmooyinka Caadaado iyo Dhuuso Mareeb.

Xiisad ayaa taagan waxaana cabsi laga qabaa in dagaalku saaka dib mar kale u bilowdo sida ay kuso waramayaan qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan khadka telefoonka kula xiriirnay.

Dhanka kale waxaa socda dadaallo ku aadan sidii colaadaas loo joojin lahaa,  wafdi isugu jira madax-dhaqameed iyo culimaa'uddiin kasoo jeeda labada dhinac ayaana ku baxay deegaanadii uu shalay dagaalku ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM