Ciidamadda Soomaaliya oo lagu qarxiyey Muqdisho; khasaaro jira

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax miino oo Talaadada maanta ka dhacay wadada Jamhuuriya, degmada Kaaraan ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Bartilmaameedka weerarka ayaa waxaa lagu sheegay gaari ay la socdeen askar ka tirsan milatariga oo goobtaasi marayey.

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkaas aysan jirin koox dusha saaratay mas'uuliyaddiisa.

Sawirro laga soo qaadey meesha ay wax ka dhaceen oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey burbur soo gaarey goobo ganacsiyo gaadiid u badan mootada loo yaqaano Bajaajta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in badi dadka dhaawacmay ee xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalada ay yihiin shacab gaar ahaan ganacsato mehrado ku lahaa goobtaas.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda ee ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wallow ay xiliyada qaar ay dalalka deris ka howlgalkaan.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa xilli magaalada lagu soo rogay bandow habeenkii ah sababo la xiriira ka hortagga faafitaanka fayruska Corona, kaas oo kiisaska laga xaqiijiyey dalka ay gaarayaan 60 [lixdan].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM