Ciidamaddii la wareegay Janaale oo lagu eedeeyay fal kufsi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askar ka tirsan milatariga Soomaaliya ee la wareegay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lasoo wariyey in ay kufsdeen gabar 13-jir ah iyo haweenay xaamilo ah.

Gabadha ayaa waxaa lagu waramay in 7-dii bishaan ay ka wateen gudaha magaaladda, halka haweenayda ay kala dageen gaariga ay la socdeen.

Xasan Macalin Cumar, gudoomiyihii hore ee magaalada Marka, ayaa shaaca ka dhigay in xaalada gabadha ay tahay mid aad u liidata.

Dhibaneyaasha ayuu daboolka ka qaadey in ay haataan jiifaan isbitaal ku yaala magaala madaxda waddanka ee Muqdisho.

"Markii hore waxaa la keenay Marka, mana jirto cid mas'uul ah oo ka dabatimid. Waan ognahay ma aysan sameynin ciidamadda oo dhan waa saddex kamid ah oo doonaya in ay xumeeyaan magaca ciidanka iyo mas'uuliyadeena," ayuu u sheegay Radio Kulmiye.

Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa nan wali ka jawaabin eedeynta ka imaaneysa qeybo kamida shacabka ku dhaqan degaanka Janaale.

Horaantii bishiii hore ayay ahayd markii magaalada Afgooye ee gobolkaas lagu kufsadey gabdho yar-yar, falkaas xoogan dhaliyey waxay dowladdu ku eedeysay "in ay maalgeliyeen hay'addo xumayna magaca qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM