​Ciidamo Ajnabi iyo Somalia isugu jira oo howlgal ka fuliyay Tooratoorow

Image

TOORATOOROW, Somalia- Ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya, ayaa Xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan kak fuliyay gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalka ayaa ka dhacay xalay abaare 1:40am deegaanka Tooratoorow, oo ku dhawaad 62Km dhanka Koonfur Galbeeda uga beegan magaalada Muqdishu, sida uu Capt Maxamed Cabdulqaadir u sheegay GO.

Ciidamada oo watay Diyaaradaha Helicopters-ka ayaa weerar cirka ah ku qaadey saldhig Tababar oo gudaha degmadaasi ku yaalla, waxayna dagaal qaatey 15 Daqiiqo la galeen Dagaalyannada Al shabaab.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in ujeedka Howlgalka uu ahaa inay kahortagaan weerar Al shabaab ku maleegaysay Tooratoorow, kaasi oo ay damacsanayd inay ku qaado Saldhigyada AMISOM iyo kuwa SNA ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka, ayaa sidoo kale u sheegay GO in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Somalia ay tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyo ay Al shabaab ku sugnaayeen.

Lama oga Khasaaraha labada dhinac iyo shacabka kasoo gaarey weerarka, balse waxay wararku sheegayaan in Al shabaab saldhigyo ay leeyihiin la burburiyay, sidoo kalena dhowr dagaalyahan looga dilay.

Militariga Mareykanka ayaa xoojiyay howlgalada dalka Somalia, ee ay ku bartilmaameedsadaan Kooxda Al shabaab, waxaana ay la shaqeeyaan 500 oo Askari oo Kumaandoos ah u tababareen dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ayaa dhowr Hogaamiye uga dilay Al shabaab weeraro dhanka cirka ah oo uu dhacay sannadihii lasoo dhaafey, waxaana Hogaamiyaashaasi ku jira Axmed Godane, oo 1 September , 2014 lagu dilay Duqeyn ka dhacday duleedka degmada Baraawe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM