Ciidamo DF u daabushay gobolka Gedo oo "ku biiray" Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in ay kusoo biireen qaar kamid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo.

Afhayeenka laamaha ammaanka Jubaland, Cabdinuur Maxamed, ayaa qiray in ay jiraan cutubyo wali gacantooda ka maqan.

Askarta dhankooda u soo wareegtay oo ah booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayuu shaaca ka qaadey in ay ka yimaadeen magaaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo.

"Waxaan ku faraxsanahay in ay nagu soo biiraan ciidamaddaas. Kuwa wali naga maqana waxaan rajeynaynaa in ay nagu soo laabtaan," ayuu Cabdinuur u sheegay warbaahinta gudaha.

Dhanka kale, illo wareedyo macquul ah ayaa xaqiijiyey in kulamo looga hadlayo xaalada gobolka ay ka socdaan magaalada Mandera ee waqooyi barri ee waddanka Kenya.

Kulamadaas ayaa la sheegay in ay hogaaminayaan madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay damacsan tahay in ay gobolka Gedo ka dhisto maamul sharci darro ah maadaama xiriirka kala dhaxeeya Axmed Madoobe uusan fiicneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM