Ciidamo DF u daabushay gobolka Gedo oo "ku biiray" Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Maamul goboleedka Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey in ay kusoo biireen qaar kamid ah ciidamada Dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo.

Afhayeenka laamaha ammaanka Jubaland, Cabdinuur Maxamed, ayaa qiray in ay jiraan cutubyo wali gacantooda ka maqan.

Askarta dhankooda u soo wareegtay oo ah booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayuu shaaca ka qaadey in ay ka yimaadeen magaaalooyinka Doolow iyo Beledxaawo.

"Waxaan ku faraxsanahay in ay nagu soo biiraan ciidamaddaas. Kuwa wali naga maqana waxaan rajeynaynaa in ay nagu soo laabtaan," ayuu Cabdinuur u sheegay warbaahinta gudaha.

Dhanka kale, illo wareedyo macquul ah ayaa xaqiijiyey in kulamo looga hadlayo xaalada gobolka ay ka socdaan magaalada Mandera ee waqooyi barri ee waddanka Kenya.

Kulamadaas ayaa la sheegay in ay hogaaminayaan madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, iyo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay damacsan tahay in ay gobolka Gedo ka dhisto maamul sharci darro ah maadaama xiriirka kala dhaxeeya Axmed Madoobe uusan fiicneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM