Ciidamo fariisin ka samaystay garoonka diyaaradaha Dhuuso Mareeb
15 Decemeber, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya degmada Dhuuso Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalka Ethopia kana yimi degmada Guriceel saaka fariisin ka samaysteen garoonka diyaaraha xarunta gobolkaas ee maamulaan ururka Alhlusunna Waljamaaca gacanta ku hayaan.
Garoonka oo muddooyinkii dambe u xirnaa sababo la xiriira canshuuro lagu soo rugay diyaaradihii imaanjiray, ayaa la ogayn sababta ciidanka fariisinka uga samaysteen.
Warar hoose oo aan ka helayno degmadaasi iyo ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaaa sheegaya in ciidanku ka qayb qaadan doonaan sugidda amniga Dhuuso Mareeb oo la filayo in dhawaan uu ka furmo shir dib u hishiisin u dhaxaysa maamullada is khilaafsan Galmudug iyo Ahlusunna.
Hishiiska labada dhinac waxaa shaacisay dowladda Federalka balse waxaa garwadeen ka ah Dowladda Ethopia, waana sababta keentay in ciidamadooda degmada lagu soo daad gureeyo.
Maamullada la isu keenayo ayaa siyaasad ahaan aad u kala aragti duwan, waxaana maamulka Ahlusunna oo gacanta ku haya qaar ka mid ah gobollada dhexe qaadaceen doorashooyin ka dhacay Cadaado oo lagu soo dhisay maamulka Galmudug.
Arrintaasi ayaa sababtay hadallo laba maamul isweydaarsadeen iyo gacan ka hadal khasaaro dhaliyay oo ka dhacay gobolka.
Shacabka ku nool gobollada dhexe ee lagu muransanyahay ayaa u dhagtaagaya shirkaasi iyo waxa ka soo bixi doona, waxaana dadka qaybtii isweydiin doonaan waxyaabaha lagu qancin doono maamulka Ahlusunna oo gacan ka gaysteen sidii ururka Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada dhexe.
GAROWEONLINE