Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Image

Muqdisho – Ciidamo ka tirsan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta xirtay jidka muhiimka ah ee Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in muddooyinkii dambe aysan helin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay rasaas kor u ridayeen, taasoo cabsi iyo khalkhal ku abuurtay shacabka ku sugnaa agagaarka. Dad badan oo halkaasi marayay ayaa ku xanibmay waddada, iyadoo baabuurta gaarka loo leeyahay iyo Mootooyinka yar-yar ee loo yaqaan “Bajaajta” la arkayay iyagoo hakad ku yimid.

Waddada Ex-Control Afgooye oo ah marin muhiim ah oo isku xira qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xirnaanshaheedu sababay jahwareer xooggan iyo kacsanaan ka dhex dhalatay shacabka.

Ciidamadan Haramcad, oo la sheegay in ay yihiin kuwo uu Turkigu si gaar ah u tababaray, ayaa ka gadooday dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeeyay in laga seexday xuquuqdooda, gaar ahaan mushaarka. Askartu waxay sheegayaan in mushaarkii yaraaba ee ay qaadan jireen uusanba iminka jirin.

Ilaa iyo hadda dowladda Federaalka kama aysan hadlin dhacdadan, taasoo kusoo beegmaysa xilli ay jiraan caqabado badan oo ka jira dhanka amniga iyo kalsoonida ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sugidda xasilloonida dalka.

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda, taasoo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, khatar ku noqon karta dadaallada dowladda ee amni sugidda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM