Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Macawiisley oo dagaalamay; khasaaro jira

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxeysa dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo tuulada Af-qurun ee duleedka degaanka Far-libaax, gobolka Hiiraan ku dhexmaray Itoobiya iyo Macawiisley.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta keentay isku dhaca labada dhinac oo lasoo wariyey fiidnimadii xalay oo Arbaco ahayd.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadda Itoobiyaanka ah "oo baxsad ahaa" ay ka yimaadeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Inta la xaqiijiyey 20 labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Maxamed Cali Istakiin, oo isku sheegay taliyaha Macawiisley, ayaa xaqiijiyey in waxyeelo ay dhankooda soo gaartay.

"Ciidamaddaas oo ka careysanaa taliyihii hogaaminayey waxay doonayeen in ay u talaabaan xadka Dowlad degaanka Soomaalida," ayuu Istakiin u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan iska hor-imaadka oo kasoo baxay dhanka ciidamadda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

Dagaalkaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo noociisa ah ee dhexmara ciidamo shisheeye iyo Macawiisleyda gobolka Hiiraan oo horey looga bartay in ay la diriraan maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM