Ciidamo ka socda Jabuuti oo la wareegay ammanka Jalalaqsi

Image

15 September, 2015(GO)-Ciidamo ka socda dalka Jabuti ayaa badalay kuwii Burundi ee joogay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo watay gaadiid dagaal ayaa ka yimi degmada Buulo Burde oo ay horey u joogeen.

Taliyaha ciidamada Jabuti Sakariye Sheekh Ibraahin ayaa shalay gaaray Jalalaqsi, waxaa uu la kulmay ciidamadooda la wareegay ammaanka degmadaaasi, isagoo kala hadlay qaabkay u sugi lahaayeen Amniga.

Sakariye aya sidoo kale ciidamadooda uga digay weeraro uga yimaada ururka Al-shabaab, waxa uuna ugu baaqay inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada goobahaasi ku sugan.

Lama oga halka loo badalay ciidamadii Burundi oo degmada muddo gacanta ku hayay.

Waa degmadii saddexaad ee loo dhiibo amnigeeda ciidamo ka socda Jabuti, horey waxay gacanta ugu hayeen degmooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM