Ciidamo ka tirsan AMISOM oo mushahaar la'aan ka cabanaya

Image

07 September, 2015(GO)-Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay inaan wax mushahaar ah la siin Ciidamadeeda jooga Somalia ee qeybta ka ah kuwa Midowga Afrika.

Ciidamada Uganda qeybta 14aad oo Somaliya la geeyay bishii October ee sanadkii hore  laguna badalay kuwo kale ayaa ka cabanaya mushahaar la'aan dhan Sagaal bilood sida lagu qoray Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda

Afhayeenka Ciidamada Uganda Col. Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay inay jirto mushaar la’aanta heysata Ciidamadooda, hase ahaatee waxaa uu diiday in muddo 9-bilood uu mushaarka ka maqan yahay.

Ankunda ayaa sheegay inaysan mushahaar qaadan muddo shan bilood oo kaliya, halka intii ka horeysay ay helayeen xuquuqdooda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli taliye ku-xigeenka Ciidamada Uganda Lt Gen, Charles uu booqday Ciidamadooda ku sugan magaalada Marka, oo uu sheegay inuu u tagay sidii uu niyadda ugu soo dhisi lahaa.

Uganda ayaa ah waddanka ciidamada ugu badani ka joogaan Somalia ee qeybta ka ah howlgalka  Midowga Afrika.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM

Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Muqdisho oo kacdoon shacab berri ka dhacaya

Xiisaddan siyaasadeed ee ka taan Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli aad u xasaasi ah, iyadoo maalinta berri ah oo ay bishu tahay 10-ka May.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 10:43AM